Waxbarasho Sahal, Qiimayn Casri ah
Madal waxbarasho oo casri ah oo fududaynaysa quizzes, imtixaannada iyo qiimaynta ardayda dugsiyada dhexe iyo sare.
Barashada iyo Qiimaynta oo Hal Meel ah.
Sahal Quiz Platform waa madal waxbarasho oo casri ah oo loogu talagalay ardayda dugsiyada dhexe iyo sare.
Waxaan isku keenaynaa quizzes, imtixaanno, su’aalo waxbarasho iyo qiimayn online ah si ardaydu u xoojiyaan aqoontooda, macallimiintuna si fudud ula socdaan horumarka ardayda.
Hadafkeenna & Aragtideenna
Waxaan dhiseynaa mustaqbal waxbarasho oo tiknoolajiyadu qayb muhiim ah ka tahay.
Mission
Hadafkeennu waa inaan bixino nidaam quiz iyo qiimayn waxbarasho oo casri ah, fudud oo la isku halayn karo, kaas oo ka caawiya ardayda inay xoojiyaan aqoontooda, macallimiintana ay si hufan u qiimeeyaan fahamka iyo horumarka ardayda.
Vision
Aragtideennu waa inaan noqono madasha hormuudka u ah quiz-yada iyo qiimaynta dhijitaalka ah ee waxbarashada, annagoo doonayna in dugsi kasta iyo arday kasta uu helo fursad uu ku isticmaalo qalab waxbarasho oo casri ah.
Qiyamka Sahal
Mabaadi’da hagta shaqadeenna iyo adeegga aan u fidinno bulshada waxbarashada.
Tayada
Waxaan mudnaanta siinnaa tayada su’aalaha, waxbarashada iyo adeegyada.
Hal-abuur
Waxaan isticmaalnaa fikrado iyo tiknoolajiyo cusub si waxbarashada loo horumariyo.
Helitaan
Waxaan doonaynaa in adeegyada waxbarashadu noqdaan kuwo si fudud loo heli karo.
Guusha Ardayga
Horumarka iyo guusha ardaygu waa udub-dhexaadka shaqadeenna.
Daacadnimo
Waxaan ku shaqaynaa hufnaan, masuuliyad iyo kalsooni.
Waxbarasho Joogto ah
Waxaan dhiirrigelinaynaa barasho joogto ah iyo horumar aan kala go’ lahayn.
Our Goal
Sahal Quiz Platform waxay leedahay hal ujeeddo oo weyn: inaan waxbarashada ka dhigno mid sahlan, qiimayntana ka dhigno mid casri ah, si arday kastaa u helo fursad uu ku gaaro guul.
“Waxbarasho Sahlan, Qiimayn Casri ah, Mustaqbal Wanaagsan.”